Cudurka Ebola Oo Saamayn Ku yeeshay Dabaal Degyadii Ciidda Ee Wadamada Galbeedka Afrika

Dabaaldagyadii iyo damaashaadyadii hore uga dhici jirey maalmaha ciidaha Islaamka wadamada Galbeedka Afrika ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay cudurka Ebolaha oo ka jira qaar ka mid ah wadamada Galbeedka Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in dalka Guinea goobaha dadku ay salaadaha ciidaha isugu iman jireen ay dadku ku yaraayeen waxayna culumada wdanka Sierra Leone ay dadka Muslimiinta ah ay ka fogaadaan is gacan qaadka iyo is dhunkashada.

Wadanka Guinea ayaa dadka ku nool oo tiradooda lagu qiyaasay 11 malyan ayaa 85% kamid ah waxa ay yihiin Muslimiin, waxayna dowlada uga digtey shacabkeeda in ay kulamo waaweyn yeeshaan oo ay dadku isku soo ururaan.

Si kasta ha ahaatee dadka Islaamka ah ayaan joojin waajibaadyada ay leedahay maalinta Ciidal Adxaha sida tukashada salaada iyo gowricida xoolaha. Wadanka Sierra Leone oo dad badan oo Islaam ah ku nool yihiin ayaa dadka loogaga digayay isku soo ururka.

Illaa iyo 1.5 billion oo Muslimiin ah ayaa caalamka shalay ugaga dabaal degtay munaasabada Ciid Al-Adxaha halka labo malyan oo kale ay gudanayeen waajibaadka xajka iyagoo ku sugan magaalada barakaysan ee Maka.

Dhinaca kale kalkaaliso u dhalatay dalka Faransiiska oo uu ku dhacay cudurka Ebolaha wadanka Liberia ayaa ka soo ladnaatay kadib markii dawooyin tijaabo ah lagu siiyay magaalada Paris. Dadka u dhintay cudurkan Ebolaha ayaa waxaa ay kor u dhaaftay 3,400 oo ruux.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in kalkaaliso ka shaqeynaysay hay’ada MSF ee dalka Liberia oo uu ku dhacay cudurka Ebolaha ay ka baxday isbitaal lagu daweynayay oo ku yaal magaalada Paris kadib markii ay bogsatay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi