Daawo: GEN: C/ QAYBDIID oo ka degay Cadaado, kana hadlay maamulka Cusub Ee Mudug & Galgaduud + Xiisada P/land

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa shalay ka degay garoonka magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan Iyo Xeeb, halkaasoo lagu wado in maalmaha soo socda ka furmo shirka loogu gogol xaarayo maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Shir Jaraa,id oo ay Maanta si wada jir ah ugu qabteen maanta Magaalada cadaado Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ayay uga Hadleen Dadajinta Maamul u sameynta Gobolada Dhexe Ee Dalka Somalia iyadoo ay labada mas,uul ku Baaqeen in sida ugu dhaqsaha Badan maamulkaas loo dhiso.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Xasan cawaale Qaybdiid ayaa waxaa uu uga Hadlay Xiisada ka taagan Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug ee kala  dhaxaysa maamulka Puntland, Wuxuuna sidoo kale ku baaqay inaan dagaal Xalku ku jirin ee wada hadal Lagu dhameeyo.

halkan ka dhageyso c/qaybdiid iyo tiom kalajeex oo hadlaya

Geesta kale Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Baarleex ayaa ayaa Guud ahaan Bulshada ku dhaqan Gobolada Dhexe Ee Dalka Somalia ayuuna ugu Baaqay  in ay ka qayb qaataan nabad iyo dardar galinta Dhismaha maamulka Gobolada Dhexe Ee Dalka, Sidoo kalana wuxuu sheegay Inay C/wali Gaas iyo Cabdi Qaybdiid kala hadleen arintaasi sidii loo dhamayn lahaa.

1

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi