Diyaaradaha Kenya Oo Duqeeyey Fariisimo Shabaab Ku Leeyihiin Gobolka Jubada Dhexe

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo xoogan ka geystay saldhigyo ay Alshabaab ku lahaayeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada dhexe sida lagasoo xigtay saraakiil Kenyan ah.
Saldhig kuyaalay bartamaha Jilib ayaa lagu dhuftay gantaal ay soo tureen diyaaradaha Kenya, Waxaana la sheegayaa inuu jira qasaare soo gaaray saraakiil iyo ciidamo katirsan Alshabaab oo ku sugnaa saldhigaas.
Diyaaradaha ayaa sidoo kale duqayn ka geystay saldhig kale oo kuyaalay duleedka magaalada Jilib halkaas oo ay Alshabaab ka ilaashan jireen wixii magaalada xageeda usoo gudbaya.

Majirto ilaa iyo hadda faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeymaha diyaaradaha Kenya ka geysteen magaalada Jilib oo ah magaalooyinka faro ku tiriska ah oo ay weli gacanta ku hayaan mintidiiinta Alshabaab.
Bishii May ee sanadkaan ayay ahayd markii diyaaradaha Kenya ee ku jira howlgalka Amisom ay duqeyn ka geysteen saldhig kuyaala Jilib oo la sheegay in lagu farsameynayay waxyaabaha qarxa.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inay Alshabaab ka aargudandoonto dhibaatada xoogan ee ay ugeysatay ammaanka dalkeeda iyo dilka dad badan oo shacabkeeda kamid ah oo lagu laayay weeraradii ka dhacay Westgate mall iyo mpeketoni.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi