Diyaarado Dagaal oo Gantaalo Culus ku garaacay Saldhigyo Ciidan ay lahaayeen Xarakada Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe ayaa sheegaya in shalay Diyaarado laga leeyahay Dalka Kenya ay Duqeymo culus ku garaaceen saldhigyo Ciidan ay Al-Shabaab ku lahaayeen Magaaladaasi.Goob joogayaal ayaa u sheegay Qaar kamid ah Idaacada Muqdisho in shalay Magaaladaasi ay duqeymo ka geesteen Diyaarado Dagaal oo laga leeyahay Dalka Kenya kuwaa oo bartilmaameed ka dhiganayay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Magaaladaasi.

Saldhiga Booliiska Al-Shabaab ku leeyihiin Magaalada Jilib ayaa la sheegay in ay ku dhaceen dhoor gantaal , waxa ayna Shabaab xireen gabi ahaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka uu ku yaalo saldhigaasi la duqeeyay.

Duqeyn kale ayaa la sheegay in iyana loo geestay saldhig kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen Duleedka Magaaladaasi , walina si rasmi ah looma oga qasaaraha Shabaab soo gaaray ee ka dhashay Duqeynta Diyaaradaha Dagaalka Kenya ka fuliyeen Magaalada Jilib.

Dhawaan ayey aheed markii Duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka lagu dilay Amiirkii ugu sareeyay Xarakada Al-Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr sidoo kale loo yaqaanay Axmed Cabdi Godane.
index

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi