Guardiola: Man Utd Ma Awooda Ciyaartoydeyda, Hoos U Dhacoodana Waxa Uu Cashar U Yahay Kooxaha Waa Weyn.

Tababaraha Bayern Munich Pep Guardiola ayaa uga digay Manchester United inaysan awoodi karin dhaqaale ahaan inay iibsadaan ciyaartoydiisa ugu fiican, waxaana uu sheegtay in ciyaartoyda Arjen Robben, Bastian Schweinsteiger iyo Thomas Muller inaysanba dooneynin inay ka ciyaaraan Premier League.
Macalinka United Louis van Gaal ayaa seddex xiddig oo Bayern Munich ah liiskiisa ku heystay laakiin xagaagii uma aysan suurogelin inuu midkoodna helo.
Markii la weydiiyay galab haddii uu maya ku yiri Van Gaal, Guardiola ayaa ku jawaabay: “United ma aysan heysanin lacag ku filan.
“Waan arkay inay qarashgareeyeen lacag badan. Waa ay u fiican tahay saaxiibkeyga Louis. Waa qeyb ka mid ah ciyaarta.
“Dhamaan kooxaha adduunka ayaa doonaya ciyaartoyda koox kale. Waxa ay ku xiran tahay ciyaartoyga. Haddii ciyaaryahan uu doonayo inuu ciyaaro waa uu ciyaari doonaa. Haddii uu doonayo inuu joogo waa uu joogi doonaa.”
Markii la weydiiyay aragtidiisa ku aadan sida Man United ugu guuldareystay inay xilli ciyaareedkan u soo baxdo Champions League, Guardiola ayaa yiri:
“Waa cashar u wanaagsan kooxaha waa weyn.
“Waxa ay ku fekerayaan: ‘Waxaan nahay koox aan la garaaci kari waana xooganahay’, mana joogaan koobka Champions League. Malaha xilli ciyaareedka danbe waa ay maqnaanayaan.
“Waana sababta ay kubada cagta u tahay mid cajiib ah.
“Isbuuc kasta waa inaad diyaar noqoto. Isbuuc kasta waa inaad soo bandhigto inaad diyaar tahay.”

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi