Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)

Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax Maxamed Xaaji Cumar Camey ayaa maanta xilkiisii ku wareejiyay taliyaha cusub ee dhawaan xilkaan loosoo magacaabay Gaashaanle sare Ibraahin Cali Xasan.
Munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta CID ee magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qeyb galay taliyaha ciidanka booliska Puntland Genaral Maxamed Siciid Jaqanaf iyo qeybo kamid ah saraakiisha ciidanka.
Gaashaanle sare Cabdi Fitaax Camey ayaa sheegay inuu xilkaan isagu iska casilay oo uu uga tagay arimo u gaar ah, Wuxuuna u mahad celiyay saraakiishii iyo ciidamadii lasoo shaqeeyay intii uu ahaa taliyaha laanta CID Puntland.
Wuxuu sheegay gaashaanluhu inuu wax badan ku guulaystay intuu ahaa taliyaha hogaanka baarista dambiyada, Wuxuuna ka codsaday taliyaha cusub ee xilkaan loo magacaabay inuu sii dhameystiro shaqooyinkii qabyada ahaa ee uu ka tagay.
Taliyaha ciidanka booliska Puntand General Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan xil wareejintaan ayna ku ammaanayaan taliyihii hore inuu meel fiican soo gaarsiiyay hay’adda baarista dambiyada oo uu haatan sheegay inay tahay waaxda ugu shaqada badan booliska Puntland.
Wuxuu taaliyuhu ugu baaqay hogaanka cusun cusub in looga fadhiyo inuu meeshii kasii wado booskii uu baneeyay taliyihii hore.
Gaashaanle sare ibraahim Cali Xasan oo ah taliyaha cusub ee CID-da Puntland ayaa sheegay inuu xooga saarayo sidii uu ubuuxin lahaa kaalintii uu baneeyay General Cabdifitaax Camey, Wuxuuna ka codsaday laamaha booliska inay si fiican ula shaqeeyaan si uu waajibaadkiisa dastuuriga ah ugasoo baxo.
Taliyaha cusub ayaa wuxuu ka yimid dalka dibadiisa wuxuuna horey uga tirsanaan jieay saraakiishii hore ee dambi baarisa Soomaaliya.
???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi