Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu soo dhaweynayay arday cusub oo ay qaadatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dhawaan dib loo howlgeliyay.

Munaasabdaan lagu soo dhaweynayay in kabadan 375 arday oo u fariisan doono qaadashada duruusta Jaamacada Umadda Soomaaliyeed.waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare dalka. Maamulka Jaamacadda, guddoomiyaha dagmada Xamar weyne, waalidiin, Arday iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka waxbarashada ee Jaamacadda Aadan Guuleed Shabeel oo munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Jaamacaddu ay marxalado kala duwan soo martay, haatanna ay diyaar u yihiin in ardadayda Soomaaliyeed ay ku soo dhaweeyaan Jaamacadda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof Maxamad Axmed Jimcaale ayaa sharaxaad ka bixiyay qeybaha ay ka kooban tahay Jaamacadda, isagoo dhinaca kale ardayda ka hor cadeeyay in macamaliinta kuliyada sharciga uu ka mid noqon doono ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ahna guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari

“Ardayda aad arkeysaan lix bilood ayaa soo dhiseysaa, tan kale Ardayda waxaan ku qiimeyneynaa sida ay u soo xaadiraan iyo sida ay uga qeyb qaataan daruusta Jaamacadda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya mudane Ducaale Aadan Maxamad oo goobta ka hadlay ayaa baaq u diray guud ahaan aqoonyahanada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan in ay ka qeyb qaataan dib u hanashada Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed..

Ku-simaha Madaxweynha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa carabka ku adkeeyay in sida ay u kala duwanyihiin ardayga kasoo baxa Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadaha kale ee sida gaarka ah loo leeyahay, waxa uuna dhinaca kale ardayda kula dar daarmay in laga miradhaliyo duruusta ay qaadanayaan maadama ay yihiin madaxda berri.

“Waxaan rajeynayaa in Jaamacaddu ay noqoto hooyada Jaamacadaha dalka, tan kale waxaan idinkula dar daarmayaa in aad ka faa’iideysataan daruusta ay macalimiinta Jaamacaddu bixineyso” ayuu yiri ku-simaha Madaxweynaha dalka.

jaw 1

jaw 3

jaw 4

jaw 5

jaw 6

jaw 7

jaw 8

jaw 9

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi