Maamulka Galmudug Oo Tababar Usoo Xiray Qaar Kamida Haweenka Deegaankaas( Sawiro)

Wasaarada caafimaadka ee maamulka Galmudug ayaa tababar u soo xirtay ku dhawaad boqol haween ah.

Siminaarkaan oo ahaa mid lagu baranayay faa’ iidada ay naas nuujintu uu leedahay ubadka ayaa waxaa ka qeyb galay 80 haween ah oo ka kala socday afarta xaafadood ee magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka mudug.

Siminaarka ayaa waxaa si wadajir ah fulintiisa isaga kaashanaya hay’adda CHF iyo urur maxaliya oo lagu magacaabo SDRO waxaana mudadii uu socday lagu soo bandhigay filimaan iyo muuqaalo ka tarjumayay faa’iidada ay caruurta u leedahay naas nuujinta iyo sidoo kale farqiga dhanka caafimadka iyo muuqaalka jir ahaaneed ee u dhaxeeya caruurta ay hooyadu nuujisay waqtigii loogu talagay iyo kuwa aan la nuujin.

Sidoo kale Ka qeyb galayaashii siminaarka oo iyagu intii ay ku guda jireen aqoon isweydaarsigooda ka hadlay ayaa si isku mida ah u sheegay in ay kala duwan yihiin caruurta la nuujiyay muddo labo sano ah iyo kuwa aan la nuujin waqtigaasi qaar ka mida haweenkii hadlay ayaa qiray in caafimaad ahaan ay markasta ka fiican yihiin ubadka la nuujiyay kuwa kale

Wasiirka wasaarada caafimaadka maamul gobaleedka Galmudug Axmed Cumar Maxamuud (Axmed Shariif) oo isagu ka hadlay gunaanadkii siminaarka ayaa ku booriyay haweenkii ka qeyb galay siminaarka in waxa ay ka barteen siminaarka ugu horeeyn ay iyagu ka faa’ideeystaan sidoo kalana ay uga faa’ideeyaan hooyooyinka kale ee aan nasiibka u yeelan in ay qaataan tababar ceynkaan oo kale ah.

gal 1

gal 2

gal 3

gal 4

gal 5

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi