Madaxa Hay’adda CCD Oo Sheegay In Shacabka Soomaaliyeed Ay Kudhiiri Gelinayaan Yoolkooda 2016

Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka Bulshada ee CCD Ciise Axmed Cumar ayaa ka hadlay waxqabadka Hey’adiisa mudadii 6-dii sano iyo qorshayaasha ay hiigsaneyso sanadka 2016 oo la filayo inay dalka ka dhacaan doorasho.

Gudoomiye Ciise ayaa sheegay inay Hey’adiisu ay qaadi doonto tallaabooyin ay kor ugu qaadeyso aqoonta dadka Soomaaliyeed, xirfadooda iyo sidii loogu dhiira gelin lahaa yoolkaada si ay u gaaraan sanadka 2016.

“Waxaan rabnaa inaan ka shaqeyno sidii dadka Soomaaliyeed aqoontooda kor loogu qaadi lahaa xirafadooda, iyo sidii loogu dhiira gelin lahaa, si ay u gaaraan yoolkooda sanadka 2016 ee doorashada dalka ka dhici doonto oo ah one man one vote”ayuu yiri Gudoomiye Ciise.

Ciise Axmed Cumar oo ka hadlayay waxqabadkii 6-dii sano iyo shaqooyinkii ay la soo qabteen waaxyaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa yiri “Sida aan ula soo shaqeynay lixdii sano ee la soo dhaafay waaxyaha kala duwan ee bulshada, dad badan ayaa ku dhiira gelinay inay hadalkooda dhiibtaan, iyagoo guryahooda jooga, oo aan wax cabsi ku jirin ama aan ku dhiira gelinay waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin ee laga duufsanayo hadii ay ahaan laheyd waaxyaha ay ka tirsan yihiin, run ahaantii dadaalka dheer aan soo galnay waxaa ka soo baxay waxqabad badan in dadkii ay xor u noqdeen fikradahooda qaaliga ah inay dhiibtaan iyo inay riyooyooyinkooda ay gaaraan, inay cabsidii ka baxdo, inaan ka saarnay cabsidii aheyd qalad hadaa sameyso dhibaato kaaga imaan karto, qaladkana uu yahay wax uu ku barto qofka, taas waxay keentay dad badan aan isla soo shaqeynay inay noqdaan dad mansab kala duwan helay, sida xildhibaano, madaxda dalka qaar, qaar maamulada dalka ka mid noqdaan, kuwo ka mid noqday waaxyaha kala duwan ee wasaaradaha dowladda”.

Gudoomiye Ciise ayaa tusaale u soo qaatay xubno ka mid ah ururadii bulshada rayidka iyo Haweenkii ay Hey’adda la soo shaqeysay oo haatan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu yiri “Tusaale ahaan xildhibaanad Caasho Koos waxay aheyd haween guri joogto ah, adibna ka mid noqotay haweenka Qranka Soomaaliyeed, kadib siminaaro aan siinay ay u gudubtay qeybaha dowladda u sareyso ee Baarlamaanka inay ka mid tahay Xildhibaanada qaranka, sidoo kale waxaa ka mid ah Xildhibaanad Xamsa oo iyana xubin ka ah Baarlamaanka, Xasan Cali Waranto, Xildhibaanad Duniyo, Jawaahir oo noqotay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo kuwa kale oo ay hey’adu Siminaaro ay siisay, haatana xilal kala duwan haya”

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay hiigsanayaan in sanadka soo socda ay soo saaraan dad kala duwan oo ka mid ah qeybaha bulshada, sidii ay yoolkaada u gaari lahaayeen ama ay uga mid noqon lahaayeen madaxda dalka hogaamin laheyd sanadka 2016, isla markaana ay dhamaato cabsida dadka ka qabeen in hadii ay xil qabtaan la beegsado.

“Waxaa ka shaqeyn doonaan sidii aan u xoojin laheyn una dhiira gelin laheyd Dhalinyarada Soomaaliyeed inay yoolkooda ay hiigsanayaan ay gaaraan, hadii ayahaan lahaayeen xirfadahooda, hadii lahaayeen himilooyin ah inay dalkan madax ka noqdaan, waxaa hada abuurnay dhalinyaro badan oo aan aqoontooda sare u qaadnay, si ay ugu biiraan maamulada degmooyinka, hada waxay ka fikirayaan inay riyooyooyinkooda rumeeyaan ama ay rajeynayaan inay dalkooda madax ka noqdaan waana dhiira gelineynaa runtii, dhalinyarada waa madaxda berrito, si ay dhibaatada dalka ka jirta uga saaraan”ayuu yiri Gudoomiyaha Hey’adda Wada Hadalka Bulshada.

Mr Ciise ayaa yiri “Marka hore waxaan dar dar gelineynaa dhalinyarada Soomaaliyeed ama qof walba Soomaali ee ku fikiraaya inay cabsi ka heyso waxaan ma sameyn kartid, bulshadana ay jecel yihiin inay ka dhex muuqdaan, awoodaada waxaa ogaan kartaa marka aad wax isku daydo waxaa rabnaa inaan meesha ka saarno cabsida, qofka bani’aadamka wuxuu rabaa guulo la gaari karo uu taabto, balse dhibaatada waxaa keeneysa cabsi waxaa hadaa sameyso amey ceeb kaaga timaada berri, waxaa hadaa isku daydo amaa ku fashilantaa, hey’dan waxay diyaar u tahay inay dadka ka saarto cabsida waa la dareemi karaa waa wax qofka ku abuuran, balse hadii uusan isku dayin oo cabsida ka bixin, waligood wuu noolaanaya, cabsida wax jiro ma ahan, anagana waxaa u diyaar garoobeynaa habkii uu uga bixi lahaa cabsidaas hal maalin ma baxdo, waa inaa isku daydaa waxa aad rabto inaa gaarto, marka waxaa rabnaa inaan cabsida ka saarno, cabsida waa waxa kaliya ee qofka dib u dhigi kara, hadii haween guri joogta aheyd ay ka mid noqotay ururada haweenka, ay u sii gudubtay Xildhibaan, hadii oday soomaaliyeed ka mid noqday ururada bulshada rayidka, oo uu xildhibaan noqday, waxaa aaminsanahay qof walba wuxuu sameeyo inuu qof kale sameyn karo, waxaan rabnaa habka kaliya uga bixi karto qof kale oo asaagaaga ah inaa is bar bar dhigto oo aad is dhahdo qofkaas wuxuu sameeyay waa inaan sameeyaa taasi waxay keeni kartaa inay kugu xambaarto inaa ka baxdo cabsidii iyo waxyaabihii dib adiga ku dhigayay”

“Waxaan rajeyneynaa sanadkan inaan soo saarno dad badan, run ahaantii waxa ugu weyn ee ay hey’adda qabatay waxay aheyd inay dadka ku dhiira gelisay fikradahooda qaaliga inay dhiibtaan, taasoo in badan ay dhibaato kala kulmi jireen, waxay la kulmeen cabsi kooxaha Shabaab, qofkii hadlo ama fikirkiisa dhiibto qoorta ayaa laga goynayay, mar hadii iyadoo qoorta dadka laga goynayay ay ka dhiidhiyeen ururada bulshada rayidka culumaa’udiinka, odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada, Maxaa diidaya maanta dowladda meel walba gacanta ku heyso qof walba fikiriisa inuu dhiibto, cabsidii waxaa bixiyay dowladdii, anagoo kaashanaya, dowlada awood ahaan, anaga mooraalkooda ku dhiira gelinay Shabaab meel walba waa laga saaray, maanta Al-Shabaab meel walba waa laga saaraay dhaqaale ahaan, maskax ahaan iyo awood ahaan waa ay u baaba’een”

“Umada Soomaaliyeed waa dad kaadiriin ah waa dad fikrado wanaagsan leh, balse waxaa laga yaabaa in caburin badan lagu haayay, maadaama dowladda awood yeelatay waxaa rabnaa inaan umadii u faa’ideysaan, waxa aad maanta heyso waxaa leedahay hal nolol, hadii god hada la gasho cid kale kaama faa’ideysaneyso, Qof walba oo Soomaali wuxuu leeyahay Xikmad uu Alle siiyay, waxaa rajeynayaa baqiilnimada inaysan fiicneyn, aqoonta iyo kartida aad leedahay inaa soo saarto una gudbiso walaalahaaga, waa lagaa faa’ideysanayaa, dhiira gelin bey u noqoneysaa adiga sumcad ayay ku noqoneysaa, Taariikh Soomaaliyeed baa reebeysa waxaa rajeynayaa dadka fikradaha qaaliga leh ee wax bedeli kara in aysan fikradahooda god la gelin waari meysid wax haka haraan ayaa leenahay”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Gudoomiyaha Hey’adda Wada Hadalka Bulshada ee CCD Ciise Axmed Cumar.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka Bulshada Ciise Axmed Cumar ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga faa’ideysto fursadaha haatan dalka ka jira, isla markaana dadka Soomaaliyeed isu diyaariyaan doorasho xor ah oo dalka ka dhacda sanadka 2016, qof walbana uu yoolkiisa gaaro.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi