Madaxii ciidamada illaalada Madaxweynaha Maraykanka oo is casishay kadib Khataro soo wajahay Obama

Madaxii ciidamada illaalada Madaxweynaha Maraykanka (Secret Service) Julia Pierson ayaa xilkeeda isa casishay kadib markii ay lasoo gudboonaatay fadeexooyin keenay in amaanka Madaxweyne Barack Obama uu khatar galo.Illaalada Madaxweynaha Maraykanka ayaa waji gabax ka raacay dhacdooyin is xig xigay oo khatar ku keenay amaanka Madaxtooyada Maraykanka, waxaana ugu danbeeyey dhacdadii todobaadkii tagay markii nin mindi sita uu gudaha u galay Aqalka Cad ee Madaxtooyada.

Sidoo kale booqashadii Obama uu bishii Agoosto ku tagay magaalada Atlanta xarunta la dagaalanka cudurada ee CDC ayaa la sheegay in xiligaasi in wiishka dabaqa loo raaco (Lift) uu la raacay mid kamid ah illaalada xaruntaasi oo ku hubeysan bistoolad, ninkaasi Madaxweynaha Wiishka la raacay ayaa la sheegay inuu horey danbiyo usoo galay isla markaana aan lasoo baarin.

Illaalada Madaxweynaha ayaan la socon arrintaani balse waxay soo shaacbaxday kadib markii xogtan uu daabacay jaraa’idka Washington Post.

Wasaarada Amniga Maraykanka (Homeland Security) ayaa shaacisay in si kumeel gaar ah xilka Agaasimaha guud ee Hay’ada Secret Service loogu magacaabay Mr. Joseph Clancy.index

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi