Madaxwayne C/wali Cali Gaas Oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub Ee Soomaaliya(Sawiro)

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Yurub Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso.
Markuu uu soo dhamaaday Kullan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michele Cervone d’Urso ayey si wadajir ah ula hadleen Warbaahinta,waxana sharaxaad dheer ka bixiyeen qodobadii ugu muhiim sanaa oo ay kawada hadleen.
”waxyaabo badan ayaanu kawada hadalnay oo ay kamid tahay Xiriirka Puntland iyo EU, Mashaariicda Horumarineed ee ay EU Kawadaan Puntland iyo Shaqooyin badan oo EU la qabanyso Dowladda Puntland”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.
Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Michele Cervone d’Urso qodobadii ay kawada hadleen ay kamid ahayd Shirka ka dhici doona Copenhagen oo Puntland la tashi lagala sameeyey ka hor inta uu san qabsoomin.
”Waxbadan baanu kawada hadalnay oo ay kamid tahay Xiriirka u dhaxeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaliya xaalku hada meesha uu marayo ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.
”Dagaalka aanu kula jiro Xagjirka Al-shabaab ee ka socda Buuraha Galgala wax badan baan u sheegnay baahidayada iyo muhiimada Puntland ay leedahay meesha ay higsanayso dowladnimadeedu si ay uhirgasho .
Shirka Jaraa’id kadib ayaa madaxwayne Gaas waxa uu qado sharaf la qaatay Ambasador Michele Cervone iyo Waftigii uu hogaaminayay .
Kullankii ay Wada qaateen Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Midowga Yurub Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso waxaa uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.

gaas 1

gaas 2

gaas 3

gaas 4

gaas 5

gaas 6

gaas 7

gaas 8Dhammaad-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi