Ra’isulwasaare Cabdi-wali Oo Qabashada Baraawe Kutilmaamay Dhammaadka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (AMISOM) guulaha waa weyn ee ay ka gaareen howlgalka Badweynta India ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wuxuna si gaar ah uga hadlay la wareegitaanka degmada Baraawe oo ahayd goob muhiim ah Al-Shabaab ay kasoo maleegi jireen falalkooda gurracan.

Shirka jaraa’id ayaa waxaa si wada jir ah u qabtay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Xogga dalka iyo Nabad-sugidda, waxaana Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay in qabashada degmada Baraawe ay tahay guul weyn, waxana ay tilmaaameen in Al-Shabaab ay u ahayd xurunta ugu weyn ee gacantooda ku jirtay.
“Ciidankeenna Geesiyaasha ah iyo AMISOM waxay saaka qabteen degmada Baraawe oo ahayd xaruntii ugu weynayd kooxda Al-shabaab, dadka reer Baraawe oo ah bulsho nabad jeceylka ku caan ah, aad ayay u soo dhoweeyeen in laga dul qaaday cabburintii ay ku hayeen Al-shabaab. Howlgalladu waa kuwa socon doona ilaa dalka oo dhan laga ciribtiro Argagixisada” ayuu yiri R.W Cabdiweli oo dhinaca kale hambalyo u diray Ciidamadda xogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa yiri “Howlgallada millatari ee socda ujeedkoodu waa in xididdada loogu siibo Al-Shabaab sababtoo ah waxay khatar weyn ku hayaan Soomaalida ku nool aagagga ay gacanta ku hayaan, waxaan mar labaad ugu baaqayaa dhalinyarada ay qaldeen Argagixisadu in 45-tii cisho ee dowladdu u qabatay weli aysan dhammaan, kuwa weli dagaalamaya ee la jooga waxaan ugu baaqayaa inay fursadaas ka faa’iidaystaan “.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay wadamada dariska ah inay feejignaan muujiyaan si aysan dalalkooda usoo gelin firxadka kooxaha Al-shabaab, wuxuna dhinaca kale tilmaamay in ay sii socon doonaan howgalladu inta laga xoreynayo goobaha ay weli ku dhibaataynayaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in la isku furi doona gobollada laga xoreeyo Al-shabaab wadooyinkooda, dhawaana la geyn doono gurmad deg-deg ah iyo ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya General Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo ka jawaabayay su’aallo ay weydiiyeen Saxaafada ayaa tilmaamay in kooxaha Al-shabaab aysan u babac dhigi karin ciidamadda xogga dalka isla markaana ay maciin bidaan inay ku dhuumaalaystaan goobaha ka baxsan magaalooyinka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Latest News

president-uhuru-kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Si Cajiib Ah Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho
- Sep 13, 2016
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ...
germany Dowlada Jarmalka Oo Dhaqaali Ku Wareejineysa Somalia…
- Nov 9, 2014
Dalka jarmalka ayaa u balan qaaday in dowlada dhexe Somalia u kuwareejin doona lacaga ...
jaw 9 Kusimaha Madaxwaynaha Prof Jawaari Oo La Dardaarmay Ardada Cusub Ee Jaamacadda Ummaddu Qaadatay(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu ...
??????????????????????????????? Hoggaanka Cusub Ee Dambi Baarista Puntland Oo Xilka Lawareegay(sawiro)
- Oct 7, 2014
Taliyihii hogaanka baarista dambiyada iyo dabagalada (CID) ee dowladda Puntland gaashaanle sare Cabdi Fitaax ...
gar 3 Shirwaynaha Midnimo One Oo Maanta Ka Bilaamay Magaalada Garbahaareey(Sawiro)
- Oct 7, 2014
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ...
University of Nairobi